Xiddigii hore ee xulka qaranka France, William Gallas ayaa ku booriyay Chelsea inaysan la soo saxiixan xiddiga Liverpool Mohamed Salah oo lagu heli karo beeca xorta ah.
Qandaraaska haatan Salah ee Liverpool ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Masar ayaan weli u saxiixin qandaraas cusub oo uu kula sii joogayo Reds, taasio shaki galineysa mustaqbalkiisa Anfield.
32-sano jirkaan garabka ka ciyaara ayaa lala xiriirinayaa inuu ka tagayo Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo dhowr kooxood oo ka dhisan yurub ay xiiso u qabaan.
Isagoo ka hadlayay arinkaan, Gallas wuxuu kula taliyay Chelsea inaysan la soo wareegin Salah oo xor lagu heli karo, isagoo aaminsan in kooxda haatan ee tababare Enzo Maresca uu carqaladeyn karo.
“Waxaan qabaa in Chelsea ay iska diido fursada ay kula soo saxiixan karto Mohamed Salah xagaagan, wuxuu caqabad ku nooqn karo kooxda,” Gallas ayaa u sheegay saxaafada.
Kooxda Chelsea hadda dhamaantood way wada fiican yihiin, way adkaan doontaa inuu Enzo Maresca maamulo Salah.
Salah ayaa labo sano ku qaatay kooxda Chelsea horaantii xirfadiisa ciyaareed ee Premier League ka hor inta uusan amaah ku aadin Serie A.