Ciyaartoyda Real Madrid ayaa la filayaa inay helaan “gunno dhadhan leh” haddii ay Kylian Mbappe iyo saaxiibadiis ku guuleystaan inay sameeyaan soo laabasho cajiib ah oo ay kaga adkaadaan Arsenal lugta labaad ee wareegga rubuc-dhamaadka Champions League.
Ka dib guuldarro 3-0 ah oo ka soo gaartay lugtii hore oo ka dhacday woqooyiga London, kooxda reer Spain ayaa wajahaysa caqabado waaweyn marka ay Arbacada fiidkii ku martigelinayaan Arsenal garoonka Santiago Bernabeu. Si kastaba ha ahaatee, iyadoo madaxweynaha kooxda Florentino Perez uu si shaqsi ah u farageliyay si uu sare ugu qaado niyadda kooxda, waxaa la rajeynayaa in la arko ciyaar layaab leh.
Sida laga soo xigtay SPORT, Perez ayaa booqday qolka labiska ee Real Madrid ee garoonka Mendizorroza kadib markii ay si ciriiri ah 1-0 uga badiyeen Alaves horyaalka La Liga. Halkaas ayuu si toos ah ula hadlay Kylian Mbappe iyo xiddigaha kale ee kooxda, isagoo u ballanqaaday abaal-marin lacageed oo “waalli ah” haddii ay u gudbaan wareegga semi-finalka Champions League.
Perez ayaa la sheegay inuu yiri: “Haddii aad guuleysataan oo aad gaartaan semi-finalka, waxaad heli doontaan gunno gaar ah oo kooxda idin siineyso.” Hadalkan ayaa ujeedkiisu ahaa inuu xoojiyo kalsoonida kooxda maadaama ay isu diyaarinayaan habeen weyn oo ka dhici doona Bernabeu.
Tani ma aha markii ugu horreysay ee la siiyo ciyaartoyda Real Madrid dhiirrigelin lacageed xilli ciyaareedkan. Ka dib markii ay ka adkaadeen Atletico Madrid wareeggii hore ee Champions League, gunnooyin ayaa la siiyay si loogu maamuuso dadaalkooda iyo guushii ay gaareen. Si kastaba ha ahaatee, markan khatarta ayaa ka sii weyn, iyadoo Real Madrid ay saddex gool ka hooseyso Arsenal, waxayna u baahnaan doonaan ciyaar dhammaystiran si ay u sameeyaan soo laabasho ka dhan ah koox si wanaagsan isu abaabuleysa.