Laga bilaabo xilli ciyaareedka soo socda waxaa gabi ahaanba la bedeli doonaa qaabka dhismeedka koobka Champions League.
Hal guruub oo 36 kooxood ah ayaa lagu bedeli doonaa qaab dhismeedkii hore ee sideeda guruub ee min afarta kooxood.
Qaabka cusub, koox walba waxay ciyaari doontaa sideed kulan oo afar kulan ay marti tahay afar kulana marti loo yahay.
Sideeda kooxood ee guruubka weyn ugu sareysa waxay toos ugu soo bixi doonaan wareega 16ka Champions League. Kooxaha ku dhameysta kaalimaha 9aad ilaa iyo 24aad waxaa loo qaban doonaa wareeg kala bax ah iyadoo ay sideed kooxood kale ka soo bixi doonaan.
Wixii ka danbeeya heerkaan, wuxuu Champions League u socon doonaa sida caadiga aheyd oo ah wareega 16ka, sideed dhamaadka, semi-finalka iyo finalka.
Sida uu sheegay joornaaliistaha COPE ee Arancha Rodriguez: “Kulamada ugu horeeya wareega 1aad waxaa la ciyaari doonaa maalmaha Talaadada, Arbacada iyo Khamiista.
“Si la mid ah kulamada ugu danbeeya wareega 1aad waxaa la dheeli doonaan seddexda maalmood.”
Waxay noqon doontaa markii ugu horeysay oo Champions League la ciyaaro habeen Khamiis ah, iyadoo caadiyan la dheelo maalmaha Talaadada iyo Arbacada halka Khamiista looga bartay in la dheelo Europa League iyo Europa Conference League.
Laakiin madaama wareega 1aad oo ah guruub ka kooban 36 kooxood ay kulamada tiro badan yihiin waxaa qasab noqoneyso in kulamada furitaanka seddex maalmood la ciyaaro, halka kulamada ugu danbeeya oo koox walba ay booskeeda ogaaneyso iyadana la dheelayo seddex maalmood.