Bruno Fernandes oo muujiyay qalbi wanaag! Kabtanka Man United oo qado la qaatay shaqaale hore oo shaqada laga ceyriyay kadib markii Sir Jim Ratcliffe uu yimid.
Kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa qado la qaatay mid ka mid ah shaqaalihii hore ee kooxda kadib markii shaqada laga ceyriyay, arrintaas oo qayb ka ahayd qorshaha dhimista kharashaadka ee uu bilaabay Sir Jim Ratcliffe.
Tan iyo markii Ratcliffe iyo shirkaddiisa INEOS ay noqdeen saamileyaal 2024, in ka badan 250 shaqaale ayaa shaqada laga eryay si kharashaadka loo yareeyo. Shaqaale uu ka mid ahaa John Allen, oo ahaa sarkaalka xiriirka warbaahinta ee kooxda, islamarkaana u soo shaqeeyay United muddo 25 sano ah.
Inkastoo Allen laga saaray shaqada ku dhowaad sanad ka hor, haddana waxa uu sii waday xidhiidhka uu la lahaa qaar ka mid ah madaxda kooxda. Talaadadii, Allen ayaa la arkay isagoo la qaadanaya Bruno Fernandes qado, waxaana la isla arkay iyagoo tagaya makhaayadda Juniper ee Wilmslow — goob caan ay ku yihiin ciyaartoyda Man United, sida uu qoray The Sun.
Sir Jim Ratcliffe ayaa horraantii sanadkan warbaahinta u sheegay in Manchester United ay “baabi’i karto marka la gaaro Kirismaska” isagoo isku dayayay inuu sharaxaad ka bixiyo sababta loo dhimayo kharashaadka.