Koox weliba waxaa lama taabtan u ah lambar halka sidoo kale lambar uu u yahay habaar.
Real Madrid lambaradeeda najaxa ahee guulaha gaara waxaa ka mid ah lambarka 7aad iyo 9aad,balse waxaa jira lambar habaar socota ah oo dhamaan xiddigihii soo xidhtay ay wada fashilmen.
Endrick ayaa helay lambarka 16-aad xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Real Madrid.
Laakin ma ogtahay in lambarka 16-aad uu “habaar” ka yahahqy Real Madrid 10-kii sano ee la soo dhaafay.
Sheekadu waxay bilaabatay xilli ciyaareedkii 2010-2011 markii
Sergio Canales uu kaga soo biiray Racing Santander wuxuuna qaatay lambarka 16-aad.
Socdaalka Canales ee Madrid wuxuu ahaa mid gaaban oo aan lagu guuleysan.
Waxa uu ciyaaray kaliya 15 kulan tartamada oo dhan, wax gool ah ma dhalin, waxa uuna ka tagay dhamaadka xilli ciyaareedka.
Ciyaaryahankii ku xigay ee xirtay lambarka 16aad wuxuu ahaa Hamit Altintop.
Laacibka reer Turki waxa uu Madrid ku soo biiray 2011-kii isaga oo kaga soo biiray Bayern Munich.
Kaliya 12 kulan ayuu u ciyaaray Real Madrid wuxuuna dhaliyay kaliya hal gool.
Altintop ayaa ka tagay Spain si uu ugu laabto Galatasaray.
Xagaagii 2013-2014, dhibbanaha saddexaad ayaa ahaa Casemiro, oo ahaa ciyaaryahan tayo leh.
Lambarka 38-aad ee uu xirtay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee kooxda koowaad ayuu u beddelay lambarka 16-aad.
Waxa uu ciyaaray 25 kulan waxana uu caawiyay kaliya hal gool.
Sanad ka dib, wuxuu amaah ku aaday Porto.
Xidigii kale ee u dhashay Brazil ee xirtay lambarka 16 wuxuu ahaa Lucas Silva, wixii la filayeyna wuu dhacay.
Silva ayaa amaah uga tagay Real Madrid oo uu ku biiray Marseille kaliya sideed bilood ka dib.
Dabadeed waxaa yimid Mateo Kovacic.
Kovacic ayaa ahaa midka la filayay inuu masaxo inkaarta lambarkan, isagoo ahaa ciyaaryahanka kaliya ee labo xilli ciyaareed ku sugnaa Real Madrid.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu u dhaqaaqay Chelsea si uu u helo waqti badan oo uu ciyaaro.
Lambarka 16-aad ayaa ciyaaryahan la’aan ahaa labo xilli ka hor inta uusan soo laaban James Rodriguez.
James wuxuu ka soo laabtay amaahdii uu ku joogay Bayern Munich.
Sida la filayay James ayaa sidoo kale ku dhibtooday inuu helo waqti ciyaared wuxuuna ka tagay sanad kadib isagoo ku biiray Everton.
Ciyaaryahanka ku xiga ee xidhtay lambarka habaaran waxa uu ahaa Borja Mayoral , markii uu ka soo laabtay amaahdii uu ku joogay Levante.
Kaliya labo kulan ayuu ciyaaray horyaalka La Liga ka hor inta uusan u dhaqaaqin Roma.
Dhibbanaha kale ee lambarku wuxuu ahaa Luka Jovic , kaasoo helay lambarka 16 inta lagu guda jiray xilli ciyaareedkii 21/22.
Serbian-ka ayaa kaga soo biiray Frankfurt heshiis ku kacaya 60 milyan oo Yuuro.
Laakiin si xun ayuu ugu guuldareystay, isagoo dhaliyay kaliya 3 gool oo La Liga ah 3 xilli ciyaareed gudaheed.
Ugu dambeyntiina, wuxuu si bilaash ah ugu biiray Fiorentina 2022kii.
Haatan waxaa lambarka 16aad qaatay, weeraryahanka cusub ee Endrick.
masoo afjari doona Brazilian-ka habaarka lamabarkan?