Tababaraha Getafe, Jose Bordalas, ayaa weerar ku qaaday tababaraha Barcelona, Hansi Flick, iyo madaxweynaha Barcelona, Joan Laporta, isagoo sheegay inaysan mudnayn ixtiraamkiisa.
Hadalka Bordalas ayaa yimid kadib markii ay labada mas’uul dhaliileen qaab ciyaareedka kooxdiisa.
Tababaraha khibradda leh ayaa arrintan kaga hadlay shir jaraa’id uu qabtay ka hor kulankooda La Liga ee ay toddobaadkan la ciyaarayaan Real Sociedad.
Bordalas ayaa kooxdiisa ku hoggaamiyay barbaro 1-1 ah oo ay garoonkooda kula galeen Barcelona dhawaan, natiijadaas oo sababtay in kooxda Catalan ay todobo dhibcood ka dambayso kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid.
Kadib ciyaartaas, tababaraha Barcelona, Hansi Flick, iyo Madaxweynaha kooxda, Laporta, waxey muujiyeen inaysan ku qanacsaneyn qaabka uu Bordalas u diyaariyay kooxdiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Bordalas ayaa si cad uga jawaabay dhaliishooda, isagoo sheegay inuu ixtiraamo kuwa mudan oo kaliya, isla markaana Flick iyo Laporta ay yihiin kuwo raadinaya marmarsiiyo.
“Flick iyo Laporta waxay dhaliileen qaab-ciyaareedkayga? Hagaag, marka aad guuldaraysato waa inaad ixtiraamtaa sida aguu ixtiraamo markaad guulaysato. Kuwa aan ixtiraam muujin ma mudna in la ixtiraamo. Waxay raadiyeen marmarsiiyo, taasna waxey noo tahay war wanaagsan.” ayuu yiri.
Barcelona ayaa goolka hogaanka la hormartay markii Jules Kounde uu gool dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta, hase yeeshee Mauro Arambarri ayaa u barbareeyay Getafe 10 daqiiqo ka hor dhamaadka qeybtii hore.