Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa u digay Liverpool.wuxuu shaaciyay in kooxdiisu aysan joojin doonin dagaalka ay ugu jirto hanashada horyaalka Premier League, kadib guushii ay ka gaareen Leicester City. Taas waxay timid afar maalmood uun kaddib markii Liverpool dhibco ku lumisay Everton.
Gunners waxay hoos u dhigtay farqiga u dhexeeya iyaga iyo Liverpool ilaa afar dhibcood, taasoo ay ugu mahadcelinayaan labo gool oo uu Mikel Merino dhaliyay, isaga oo bedel ku soo galay, xilli Arsenal ay ku ciyaaraysay iyada oo aan laacib weeraryahan rasmi ah heysan, maadaama Kai Havertz iyo Gabriel Jesus dhaawac kaga maqnaayeen.
Guushan muhiimka ah waxay timid isla toddobaadkii uu James Tarkowski uu u dhaliyay Everton gool barbaro ah daqiiqadii 98-aad, taasoo keentay in Liverpool ay 2-2 ku kala baxaan Everton.
Hadda indhaha oo dhan waxay u jeedaan kulanka Liverpool ay la ciyaarayso Wolves galabta, iyadoo Arteta uu ku adkeystay in kooxdiisu si buuxda u dagaalami doonto si ay Liverpool u gaarto, iyadoo Arsenal ay weli heysato 13 kulan.
“Runtii waan rabnaa in naloo qabto ayaga,” ayuu Arteta u sheegay TNT Sports markii la weydiiyay farriintiisa ku aaddan Liverpool.
“Wax kasta oo dhaca iyo caqabad kasta oo na hor timaadda, dagaalkan si dhab ah ayaan u gali doonnaa.”
Arsenal ayaa haatan laga badin 15 kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League, iyadoo 10 ka mid ah ay guul gaartay. Si kastaba ha ahaatee, waxay wajahaysaa jadwal adag, iyadoo bishan la ciyaari doonta West Ham, Nottingham Forest, Manchester United iyo Chelsea.