Mikel Arteta ayaa ammaanay Kai Havertz isagoo ku tilmaamay “Laf-dhabarta ” Arsenal, wuxuuna taageeray ciyaaryahanka reer Jarmal inuu beddelo guuldarrada Arsenal ee ku aaddan saxiixa weeraryahan cusub.
Tababaraha Gunners, Arteta, ayaa sheegay in Havertz uu yahay ciyaaryahan awood badan oo genetic ahaan si fiican loo dhisay, wuxuuna ku kalsoon yahay inuu kaalin muhiim ah ka qaadan doono guulaha kooxda iyadoo Arsenal ay ku tartameyso saddex tartan xilli ciyaareedkan.
Kooxda ayaa muujisay rabitaankooda ah inay soo saxiixdaan weeraryahan kaddib dhaawacyada Bukayo Saka iyo Gabriel Jesus, laakiin waxay ku guuldareysteen isku daygoodii ahaa inay £40 milyan (49.9 milyan doolar) ku soo iibsadaan Ollie Watkins oo ka tirsan Aston Villa.
Jesus ayaa lagu wadaa inuu garoomada ka maqnaado inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib markii qalliin looga sameeyay jilibka, halka Saka aan la filayn inuu soo laabto ilaa bisha soo socota ugu yaraan, taasoo keeneysa in xoogga la saaro Havertz inuu qaato kaalinta muhiimka ah ee kooxda.
Ka hor kulanka lugta labaad ee semi-finalka koobka Carabao ee Arsenal la ciyaareyso Newcastle, Arteta ayaa taageeray Havertz, oo £65 milyan kaga yimid Chelsea sannadkii 2023, inuu si fiican uga shaqeyn doono culeyska, taasoo ay u badan tahay inuu ciyaaro kulan kasta ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka.
“Ma garanayo… waa suurtagal [inuu ku billowdo ciyaar kasta],” ayuu Arteta yiri. “Waxaa laga yaabaa inaanu soo marno xaaladdaas oo uu dhaliyo 15 ama 18 gool kale? Ma malayn kartaa? Taasi waa xaalad fiican.”
“Markaad aragto sida uu xirfad ahaan u dhisan yahay,waa mid qatar badan. Wuu ka fiican yahay ciyaaryahannada kale ee meesha jooga. Taasi ma aha nasiib.Waxaan kaloo aaminsanahay inuu aad u caqli badan yahay.”