Waddamada Bariga Dhexe ayaa martigelin doona Koobka Adduunka markii ugu horreysay sanadka 2034-ta, sida laga sheegay shirweynaha aan caadiga ahayn ee FIFA ee ka socda Zurich, Switzerland.
Wadamada Khaliijka ayaa lagu abaalmariyay marti galinta koobka kubbadda cagta adduunka, iyadoo lagu ammaanay shirweynihii aan caadiga ahayn ee FIFA oo dhacay Arbacadii maanta 11 December.
FIFA ayaa sidoo kale xaqiijisay marti gelinta Koobka Adduunka 2030, kaasoo ay wada qaban doonaan lix wadan oo ku kala yaala seddexda qaaradood.
Spain, Portugal iyo Morocco ayaa noqon doona marti galiyaasha ugu weyn Koobka Adduunka, halka saddexda kulan ee ugu horreeya tartankaas ay ka dhici doonaan Uruguay, Argentina iyo Paraguay.
Waa markii ugu horeysay oo 48 xul ay ka qeybgalaan tartanka koobka adduunka oo dib u habeyn lagu sameeyay.
Sacuudi Carabiya ayaa markii ugu horreysay taariikhda la guddoonsiiyay marti galinta Koobka Adduunka, halka tani ay noqon doonto markii labaad ee tartanka kubadda cagta adduunka lagu marti galiyo Bariga Dhexe.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa diyaarisay 15 garoon oo ku yaala shan magaalo oo kala ah Riyad, Jeddah, Khobar, Abha, NEOM.