Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa war kasoo saartay dhaawaca soo gaadhay difaaca midig ee kooxdiisa ee Trent Alexander-Arnold oo ka baxay waqtigii nasashada ciyaartii ay Sabtidii 3-1 kaga adkaadeen Burnley.
Alexander-Arnold ayaa kaliya garoonka ku jiray 45 daqiiqadood isaga oo caawiyey goolka koowaad ee uu dhaliyey Diogo Jota, kaas oo noqday caawintiisii 58aad ee horyaalka Premier League, sidaana uu ku noqday difaaca ugu caawinta badan taariikhda horyaalka Premier League.
Tababare Jurgen Klopp ayaa ku beddelay Trent Alexander-Arnold da’yarka kasoo baxay kulliyadda ee Harvey Elliott oo isbeddel ku sameeyey kooxda, sababna u ahaa laba gool oo ay kooxdiisu dhalisay.
Klopp oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dhaawaca Trent Alexander-Arnold uu kasoo gaadhay jilibka oo ah isla halkii uu laacibkani muddada garoomada uga maqnaa, waxaanu yidhi: “Waxa uu ka dhaawacmay isla halkii, waa jilibkii uun. Ma aha dhaawac halis ah laakiin waxa uu dareemay xanuun, waxaananu qiimayn doonaa xaaladdiisa.
“Trent wuu socon karayay doogga, haddii aanaan saari lahayn waqtigii nasashadana xaaladdiisu way sii cuslaan lahayd, markaa waanu eegi doonaa xaaladdiisa.”
Si kastaba ha ahaatee, dhaawaca Trent Alexander-Arnold ayaa waxa uu fursad u noqon doonaa laacibka da’da yar ee Conor Bradley.