Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xajisan kari weyday guul gacanteeda ku jirtay, waxaana dhawr daqiiqadood kaga takhalustay Aston Villa oo diidday inay is-dhiibto, balse uu fursad siiyey Jurgen Klopp oo isku basaabay beddello uu sameeyey.
Ciyaar si adag loogu dagaallamay oo ka dhacay Villa Park, ayay labada kooxood ku kala baxeen barbarro 3-3 ah, tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ay Aston Villa dhalisay laba gool.
Goolhaye Emiliano Martinez ayaa iska dhaliyey gool daqiiqaddii labaad ee ciyaarta, isaga oo kubbad uu qabtay ay si lama filaan ah uga baxsatay, una weydaaratay shabaqa goolkiisa, laakiin khadka dhexe ee reer Belgium ee Youri Tilemans ayaa toban daqiiqadood gudahood ciyaarta kusoo celiyey barbarro 1-1 ah.
Liverpool oo ahayd kooxda gacanta sarraysay ee sidoo kalena firfircoonida badan ka muuqatay ayaa mar kale hoggaanka uu usoo celiyey Cody Gakpo ka hor intii aan waqtiga nasashada loo bixin, halka isla markii lagu soo noqday qayta labaad ee ay saddex daqiiqadood socotayna uu Jarrell Quansah ciyaarta ka dhigay 3-1.
Aston Villa ayaa gool loo qaadan waayey uu ka khasaariyey Diego Carlos oo goolka oo madhan kubadda la waayey, hase yeeshee daqiiqaddii 52aad ayaa uu isla oogsaday Villa Park markaas oo uu Ollie Watkins dhaliyey gool labaad, balse Offside ayaa lagu qabtay oo waa laga diiday.
Tababare Unai Emery ayaa daqiiqaddii 79aad waxa uu beddel ku keenay Jhon Durán oo noqday xiddiga dhibicda u badbaadiyey Aston Villa, waxaana uu laba gool israaciyey daqiiqadihii 85aad iyo 88aad, halka gool saddexaadna uu sigay oo uu goolhaye Alisson ka badbaadiyey.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-3, waxaanay Aston Villa kusii dhowaatay inay xaqiijisato booskeeda Champions League oo kaliya ay u baahan tahay hal dhibci amaba in laga qabto Tottenham oo hal dhibic ay ku lumiso ciyaarta Man City ee Salaasada ama usbuuca dambe ee horyaalka lasoo gunaanadayo.