Kooxda Liverpool ayaa la filayaa in ay xalliso xaalada heshiisyada xiddigaheeda Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk bilaha soo socda, sida uu sheegay khabiirka Reds, David Lynch.
Liverpool ayaa dadaal ugu jirta in ay heshiisyo cusub ka saxiixato saddex ka mid ah ciyaartoydeeda ugu muhiimsan. Xiddigaha Mohamed Salah, Virgil van Dijk iyo Trent Alexander-Arnold ayaa haatan ku jira bilihii ugu dambeeyay ee qandaraaskooda.
David Lynch ayaa tilmaamay in kooxda wali ay ka shaqaynayso sidii ay u dhammeystiri lahayd heshiisyada.
Salah, Van Dijk iyo Alexander-Arnold ayaa ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan ee Liverpool, waxaana mustaqbalkooda la filayaa in go’aan laga gaaro waqti dhow.
Lynch wuxuu shaaciyay in liverpool ay shaqaaleysiisay lataliye yaal qibrad sare u leh xaaladaha noocaan oo kale.waxaa la xaqiijiyay in arrinta ay haatan u dhowdahay in lagu guuleysto.