Liverpool ayaa loo sheegay inay ka walwasho tartanka Premier League hal koox, halkii ay ka walwali lahayd kooxaha Arsenal iyo Manchester City.
Kooxda Reds ayaa hadda hogaanka u heysa horyaalka, iyadoo lix dhibcood ka sareysa kooxda ugu soo dhow ee Arsenal. Waxaana ay ku raaxeysanayaan xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa ee ay qabtaan hoggaanka tan iyo markii Arne Slot uu bedelay Jurgen Klopp xagaagii.
John Aldridge, xidigii hore ee Liverpool iyo jamhuuriyada Ireland, ayaa ugu baaqay kooxda inay diirada saaraan naftooda oo aysan ku mashquulin kooxaha kale sida Arsenal iyo Man City.
Aldridge, oo horyaalka Premier League la qaaday Liverpool sanadkii 1988, ayaa sheegay in kooxda ay tahay inay ka fogaato buuqa bannaanka, isla markaana ay fiiro gaar ah u yeelato ciyaaraha soo socda.
“Ma ahan wax ku saabsan Arsenal, Man City ama cid kasta oo kale oo tartanka horyaalka ku jirta hadda – waa nafteena. Dadku waxay igu dhahaan, ‘yaa ka welwelsan tahay?’ Waxaan ka walwalsanahay Liverpool, haddii ay lumiso dhibco kulamo badan,” ayuu yiri Aldridge.
“Uma baahnin inaan ka walwalno Arsenal, kaliya waxaan u baahan-nahay inaan ka walwalno nafteenna, kaliya waxaan u baahan-nahay inaan sii wadno guulaha.”