Inkastoo Liverpool ay iska xoortay guul islamarkaana ay barbaro 3-3 ah kala kulmeen Aston Villa hadana waxay caawin weyn u sameeyeen kooxda horyaalka rajada kale leh ee Arsenal.
Reds ayaa ka horjoogsatay Aston Villa inay xaqiijisato booskeeda Champions League ee xilli ciyaareedka danbe madaama kooxda Unai Emery ay dhibco dhumiyeen.
Waxay taasi la micno tahay in kooxda ay Arsenal cadowga yihiin ee Tottenham ay fursad weyn u heysato inay kaalinta afaraad kala baxdo Aston Villa haddii ay garaacaan Manchester City oo ay Arsenal horyaalka ku xafiiltamayaan.
Maalmihii ugu danbeeyay taageerayaasha Tottenham ayaa dalbanayay in kooxdooda ay sii deyso Man City si ay koobka horyaalka uga horjoogsadaan kooxda ay neceb yihiin ee Arsenal.
Laakiin barbarihi kulankii xalay ayaa wax walba bedelay, Tottenham way ku qasban tahay haatan inay ciyaar adag kala hortagto caawa Man City madaama haddii ay ka badiyaan Man City iyo Sheffield United islamarkaana Aston Villa ay guuldarro ka soo gaarto Crystal Palace ay xaqiijisan doonaan u soo bixitaankooda Champions League.
Liverpool ayaa abuurtay xaalad cusub oo tartanka horyaalka ah. Bedelkii ay Tottenham si cagajiid ah kula ciyaari laheyd Man City madaama ay neceb yihiin Arsenal, waxay haatan Spurs rajo ka qabtaa u soo bixitaanka Champions League taasoo farxad u ah Gunners haddii ay Tottenham badiso caawa.