Manchester United ayaa ku soo laabatay wadahadalo ay kula jirto Bayern Munich oo ay ka doonayaan saxiixa weeraryahanka Mathys Tel. (Ben Jacobs)
Real Madrid ayaa Rodrygo ku heleysa dalab 300 milyan oo ay soo bandhigtay kooxda Saudi Pro League ee Al Hilal, kuwaas oo doonaya inay ku bedelaan Neymar. (Fichajes – Spain)
Tottenham Hotspur ayaa wax ka weydiisay kooxahooda Christopher Nkunku, James McAtee, Tyler Dibling iyo Alejandro Garnacho, iyagoo doonaya in ay ku xoojiyaan kooxda Ange Postecoglou. (TBR Football)
Bartilmaameedka mustaqbalka fog ee Liverpool Rayan Cherki, oo la sheegay inuu maalin uun ka bedeli doono Mohamed Salah garoonka Anfield, ayaa ku sii dhawaanaya inuu u dhaqaaqo Borussia Dortmund. (Sky Germany)
Manchester City ayaa isha ku heysa heshiis laba jibaaran oo dhan 70 milyan ginni in ay ku keento xiddiga Porto Nico Gonzalez iyo xiddiga Real Betis Sergi Altimira. (MARCA – Spain)
Chelsea ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa kubad sameeyaha da’da yar ee Argentine Facundo Buonanotte kaas oo haatan amaah kula jooga Leicester City kana yimid Brighton, waxayna diyaar u yihiin inay (Fichajes – Spain)
Tirell Malacia ayaa la sheegay inuu burburay heshiis uu ugu dhaqaaqi lahaa Benfica, laakiin waxa uu wali ka tagi karaa Old Trafford ka hor inta uuna xirmin suuqa January. (Fabrizio Romano)
Daafaca Arsenal Oleksandr Zinchenko ayaa aqbalay in la joogo waqtigii uu ka dhaqaaqi lahaa kooxda iyadoo ay xiiseynayaan Atletico Madrid iyo Borussia Dortmund. (Caughtoffside)
Kooxaha Man Utd iyo Paris Saint-Germain ayaa ku loolamaya saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Bournemouth Dean Huijsen. (Fichajes – Spain)
Barcelona ayaa ka fiirsaneysa inay xagaaga u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Newcastle United Bruno Guimaraes iyo daafaca midig ee Monaco Vanderson. (El Nacional – Spain)