Chelsea ayaa soo bandhigtay xiisaha ay u qabto saxiixa daafaca dhexe ee Manchester United Leny Yoro iyagoo raadinaya daafacyo ay ku xoojiyaan kooxdooda. (Simon Phillips)
Sidoo kale raadaarka Chelsea waxaa ku jira daafaca Bournemouth Dean Huijsen, kaasoo 55 milyan ginni lagu burburin karo qandaraaskiisa (TBR Football)
Man Utd, Tottenham Hotspur, Bayern Munich, Real Madrid, Barcelona iyo Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale isha ku haya Huijsen. (Caughtoffside)
Dhanka kale Chelsea ayaa diyaarinaysa dalab dhan 58.3 milyan oo gini si ay ula soo saxiixato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Pablo Barrios. (Fichajes – Spain)
Man Utd ayaa laga yaabaa in ay iibiso xiddiga garabka ka ciyaara ee Alejandro Garnacho xagaaga si ay u hesho lacag ay kusoo qaadato daafaca bidix ee Barcelona Alejandro Balde. (GIVEMESPORT)
Arne Slot ayaa ogolaaday qorshaha Liverpool ay ku iibinayso garabka Luis Diaz. Barcelona,Juventus iyo Al Nassr ayaa dhamaantood xiiseynaya xiddiga Colombia oo lagu qiimeeyo 70.8 milyan ginni. (Fichajes – Spain)
Liverpool wali ma dejin qiimaha ay ku iibinayso Diaz laakiin waxa ay u baahan doontaa in ka badan 66.7 milyan ginni si ay usoo qaataan 21-jirka Nice Mohamed-Ali Cho. (TEAMtalk)
Haddii Liverpool ay iibineyso hal weerar xagaagan, wuxuu noqon karaa Darwin Nunez. (Football Insider )
Labada kooxood ee Man Utd iyo Tottenham ayaa isha ku haya saxiixa weeraryahanka Wolverhampton Wanderers Matheus Cunha. (AS-Spain)
Manchester City ayaa sii xajisanaysa xiisaha ay u qabto xiddiga garabka uga ciyaara Real Madrid ee Rodrygo, laakiin haatan waxa ay tartan kala kulmi doontaa Man Utd. (Jorge C Picon)