Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa shaaciyey ciyaartoyda maamula qolka WhatsApp-ka ee ciyaartoyda xulka dalkaas oo hadda diyaar-garow uu jira tartanka Copa America oo ay yihiin dalka difaacanaya ee sannadkii ugu dambeeyey ku guuleystay.
Argentina oo sidoo kale ku guuleysatay Koobka Adduunka sannadkii 2022, ayaa waxa uu mar kale weydsada u biyeystay inuu xulkiisa ku hoggaamiyo Copa America oo finalkii 2021 ay ku garaaceen Brazil.
Lionel Messi oo waraysi siiyey telefishanka dalkiisa ayaa la weydiiyey ciyaartoyga maamulka qolka WhatsApp-ka ee ciyaartoyda kooxdiisa, waxaa uu sheegay uu yahay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Talyaaniga ee AS Roma ee Leandro Paredes.
“Ciyaartoyda xulku iima ogolaanin in aan sheego magaciisa, wayna i dili doonaan” Ayuu yidhi Lionel Messi.
Si kastaba ha ahaatee, Argentina ayaa ciyaarta ugu horreysa ee Copa America waxa ay waajihi doonaan Canada oo ay ku wada dheeli doonaan waddanka Maraykanka maalinta ay taariikhdu tahay June 21, kaddibna waxa ay waajihi doonaan Chilie iyo Peru oo iyagana ay isla waddanka Maraykanka kula ciyaari doonaan.