Weeraryahanka Barcelona, Robert Lewandowski, ayaa si cadho leh u dhaleeceeyay qaab ciyaareedkii kooxdiisa kadib guuldarro xanuun badan oo ay la kulmeen, isagoo si gaar ah u tilmaamay khaladaad badan oo ay sameeyeen.
“Waxaan sameynay khaladaad aad u badan,” ayuu yiri Lewandowski. “Waxaan la’aannay xakameyn buuxda garoonka dhexdiisa, kubbadihii ayaanu luminaynay, waxaan isa siinaynay baasas khaldan. Waa inaan ka barannaa qaladaadkaas.”
Lewandowski ayaa muujiyay in kooxda aysan awoodin inay si nidaamsan u ciyaarto islamarkaana aysan u qalmin in ay sidaas u muuqato heerka ay joogto awgeed.
“Ma ahan wax la aqbali karo inaan sidaan u ciyaarno, gaar ahaan marxaladahan tartamada,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Hadalkan ayaa imaanaya kadib markii Barcelona la garaacay Champions League lugtii labaad, taasoo dhabar-jab weyn ku ah kooxda iyo taageerayaasheeda.
Tan ayaa noqotay guuldarradii ugu horreysay tan iyo billowgii 2025.