Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso inay dib ula soo saxiixato daafaca dambeedka bidix ee Tottenham Hotspur Sergio Reguilon.
Xiddiga reer Spain ayaa laba xilli ciyaareed ku qaatay kooxda Tottenham ka dib markii uu kooxda Waqooyiga London kaga soo biiray Real Madrid xagaagii 2020.
27 jirkaan ayaa markaas loo ogolaaday inuu ku laabto dalkiisa si uu amaah ugu biiro Atletico Madrid xilli ciyaareedka 2022-23.
Markii uu ku soo laabtay Tottenham, Reguilon ayaa si deg deg ah amaah loogu diray Manchester United waxa ay ahayd amaah hal xilli ciyaareed ah.
Reguilon ayaa saftay 12 kulan oo tartan ah ka hor inta aysan Man United go’aansanin inay fasaxdo suuqii January.
Daafaca bidix ayaa markii dambe ku qaatay qeybtii labaad ee ololaha Brentford, halkaasoo uu ka qeyb qaatay afar caawin 16 kulan oo uu saftay.
Sida laga soo xigtay majaladda AS ee dalka Spain, Man United ayaa muujisay xiisaha ay Reguilon ugu soo celinayso Old Trafford xagaagan.
Daafaca Tottenham ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu bartilmaameed u yahay West Ham United iyo kooxda reer Talyaani ee Juventus.
Tababaraha Man United Erik ten Hag ayaa ka cabsanaya dhaawacyada Luke Shaw iyo Tyrell Malacia oo ah labada dookh ee daafaca bidix ee ugu weyn.
Si kastaba ha ahaatee, Shaw iyo Malacia labaduba waxay la dhibtoonayeen arrimo dhaawacyo intii lagu jiray ololihii 2023-24, taas oo ku qasabtay Ten Hag inuu u isticmaalo booska bidix Aaron Wan-Bissaka, Diogo Dalot iyo Victor Lindelof.
Taas ayaa ka dhigan in Reguilon aan loo tixgalin doonin dooq koowaad, saxiixiisa waxa uu dabooli doonaa booska dhaawaca.