Weeraryahanka Spain Lamine Yamal ayaa qarka u saaran inuu jabiyo rikoor soo jireen ah oo uu dhigay Pele.
Ciyaarta caawa ee finalka Euro 2024 ee uu ka hortagayo England ayuu rikoodhkas sameen kara.
Laacibka Barcelona ayaa shiday garoomo ku yaala Germany oo uu ku soo bandhigay qaab ciyaareed aad u sareeya, waxaana uu horey uu u dhigay taariikho kooban oo tartanka ah.
Markii uu saftay kulankiisi ugu horeeyay ee Euro oo uu ka hortagay xulka Croatia, Yamal wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee ka ciyaara Koobka Qaramada Yurub.
Yamal ayaa goolal ka caawiyay Dani Carvajal,Fabian Ruiz iyo Dani Olmo.
17 jirkan wuxuu noqday da’yarkii abid ugu horreeyay ee saddex caawin ka sameeya hal xilli oo ka tirsan Koobka Qaramada Yurub, laakin shabaqa ayuu soo taabtay sidoo kale kulankii Semi-finalka ee uunka hortagay xulka France l.
Yamal oo Sabtidii u dabaal degay dhalashadiisa 17-aad wuxuu noqonayaa ciyaaryahankii ugu da’da yaraa taariikhda ee ciyaara finalka tartan weyn Koobka Adduunka ama koobka Yurub.
Halyeeygii Brazil Pele ayaa heeysta rikoodhkaas muddo 66 sannadood ah, isagoo 17 sannadood iyo 249 maalmood jiray markii uu u soo baxay Brazil una ciyaaray kulankii finalka ee Koobkii Adduunka ee 1958-kii ay la ciyaareen Sweden.
Yamal ayaa si fool ka fool ah ula kulmaya caawa da’yarka ay isku dalka yihiin ee Kobbie Mainoo, kadib markuu 19 jirka Manchester United uu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee Ingiriis ah ee ciyaara tartan weyn oo semi-finalka ah.