Kyle Walker ayaa qaatay lambarka 32-aad ee maaliyadda AC Milan kadib markii uu dhammeystiray amaah lix bilood ah oo uu kaga soo biiray Manchester City maalintii Jimcaha.
David Beckham ayaa 33 kulan u saftay kooxda waaweyn ee Ac Milan, isagoo labo gool dhaliyay intii uu amaah ku joogay kooxda Ac milan.
Isagoo la hadlayay warbaahinta kadib markii uu qalinka ku duugay heshiiska, Walker ayaa yiri:
“Tammy (Abraham) ayaa ii sheegay inaan imaan karo. Wuxuu iga caawiyay inaan go’aanka qaato.
“Taageerayaasha Milan waa kuwo cajiib ah, markaad maqasho heesahooda, dareen ayey kugu reebayaan.
“Waxaan doortay lambarka 32 ee David Beckham u xiran jiray kooxda.”
Walker ayaa horey fariin xanuun leh ugu diray Manchester City, taageerayaashooda, qoyskiisa, iyo xaaskiisa Annie Kilner, isagoo macasalaameeyay kooxda.
34-jirkan ayaa Milan ugu biiray amaah lix bilood ah, iyadoo kooxda Serie A ay heysato doorasho ay si joogto ah ugu iibsan karto xagaaga soo socda.
Walker ayaa codsaday inuu ka tago horyaalka Premier League horaantii bishan Janaayo.
Ciyaartiisii ugu dambeysay ee City uu u saftay waxey aheyd guushii 4-1 ee ay garoonkooda kaga badiyeen West Ham horraantii bishan.