Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay rajeyneyso inay lasoo saxiixato labada ciyaaryahan ee Crystal Palace Adam Wharton iyo Jean-Philippe Mateta inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga 2025.
Red Devils ayaa kaliya awooday in ay Patrick Dorgu iyo Ayden Heaven ku darto safafkeeda intii lagu jiray suuqii January, Ruben Amorim ayaa rajaynaya in uu xagaagan soo iibsado khadka dhexe iyo weeraryahan.
Viktor Gyokeres iyo Victor Osimhen ayaa labadooduba la saadaaliyay inay ku biirayaan Old Trafford dhamaadka sanadkan, laakiin Man Utd ayaa sidoo kale isha ku heysa inay u dhaqaaqdo xiddiga Palace Mateta, sida laga soo xigtay TBR Football.
Xiddiga reer France ayaa dhaliyay 10 gool 22 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, waxaana lagu soo waramayaa in loo arko bartilmaameedka suuqa kala iibsiga Man United xilli Rasmus Hojlund iyo Joshua Zirkzee aan la hubin mustaqbalkooda.
Intaa waxaa dheer, majaladda Isbaanishka ee Fichajes ayaa sheegtay in Man Utd ay sidoo kale xiiseyneyso saxiixa Wharton, inkastoo Crystal Palace ay hadda ku qiimeyso 21-sano jirkaan 80 milyan oo euro, taasoo caqabad ku noqon karta Red Devils.
Warka ku saabsan xiisaha Man Utd ee Mateta ayaa imanaya ka dib markii halyeyga Arsenal Paul Merson uu ku booriyay Red Devils inay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga Crystal Palace.
Mateta ayaa laba gool ka dhaliyay kooxda Amorim isbuucii hore, ka dib qaab ciyaareedkiisii Old Trafford, Merson wuxuu ku booriyay Man United saxiixa weeraryahanka France.