Manchester United ayaa durba isku diyaarineysa bixitaanka deg dega ah ee Marcus Rashford, iyadoo kooxda Ruben Amorim ay dalab ka gudbisay bedelka weeraryahan England.
United ayaa ku dhow inay ogolaato heshiis amaah ah oo ay Rashford ugu direyso Aston Villa oo leh ikhtiyaar iibsasho dhamaadka xili ciyaareedkaan.
Tani waxay fursad u siin doontaa kooxda Amorim in ay raadiso ciyaaryahan dheeri ah, tababaraha Portugal ayaana horay u sii ogaa cidda uu ku bedeli doono Rashford.
Weeraryahanka Bayern Munich Mathys Tel ayaa maalmihii u dambeeyay lala xiriirinayay kooxo badan, laakiin United ayaa haatan dalab afka ah ka gudbisay 19 jirkan kaas oo ay ka go’antahay in uu isaga tago Allianz Arena kadib markii uu boos ka waayay kooxda tababare Vincent. Kompany.
Tel laguma soo darin kooxda ciyaartay seddexdii kulan ee ugu danbeysay Bundesliga lagumana soo darin kooxda caawa wajaheysa Holstein Kiel.
Hadda United ayaa dalab afka ah ka gudbisay ciyaaryahanka Bayern Munich, sida laga soo xigtay Sky Sports.
“Man Utd waxay la xiriirtay Bayern, wada-hadalladana waa ay socdaan,Florian Plettenberg ayaa sidaas yiri “Marxaladdan wada xaajoodka ah, ma jiro heshiis buuxa oo u dhexeeya Man Utd iyo Tel.