Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa ka hadlay sababta dib loogu dhigay heshiiskiisa kooxda kubadda cagta Real Madrid, isaga oo xalay soo gunaanaday waayihiisii Paris Saint-Germain oo ciyaartiisii ugu dambaysay uu u dheelay.
Mbappe ayaa xalay waxa uu PSG kula guuleystay koobka French Cup oo ay 2-1 kaga adkaadeen Lyon, waxaana kaddib uu la hadlay saxaafadda isaga oo sharraxaad dheeraad ah ka bixiyey mustaqbalkiisa iyo shaacinta heshiiskiisa Real Madrid.
Waraysi uu siiyey warbaahinta kaddib markii lagu macasalaameeyey PSG, ayaa waxa uu ku yidhi: “In aan koobkan kusoo xidho ciyaartayda ugu dambaysa, ma jirto wax ka wanaagsan. Run ahaantii waxa aan dareemayaa wanaag.
“Waxa aan doonayey in wax walba oo kooxdaydan ah ay sidaas kusoo dhamaadaan, in ay koob ku dhamaadaan.”
Intaas kaddib ayuu ka hadlay waqtiga la shaacinayo heshiiska kooxdiisa cusub, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay in wax walba ay waqti u baahan yihiin, waqti fiican oo dhow ayaan shaacin doonaa mustaqbalkayga. Waxay ila tahay in ay noqon doonto maalmo yar kaddib, wax dhibaato ahna ma jirto. Ma garanayo waqtiga ay noqonayso, waxa hadhsan tafaasiil yar, laakiin waxa ugu muhiimsan waa in aan halkan [PSG] sida ugu wanaagsan ugu dhamaystay.”
Kylian Mbappe oo sannadkii 2017 ay PSG kaga soo iibsatay Monaco lacag dhan €180 milyan oo Euro, ayaa waxa uu u saftay 307 ciyaarood oo uu u dhaliyey 256 gool iyo 108 kale oo uu caawiye ka noqday.