Kylian Mbappe iyo Paris Saint-Germain ayaa raadinaya xalka ugu fiican uguna degan ee uu xiddiga reer France kooxda uga tagi karo xagaagan.
Labada dhinac ayaa doonaya inay ka fogaadaan wixii dhacay xilli ciyaareedkii hore islamarkaana ay ku kala tagaan si ixtiraam iyo niyad wanaag leh.
PSG waxay weli ku adkeysaneysa in Mbappe uu sii joogayo Faransiiska laakiin wargeyska Le Parisien ee xulafada la ah PSG ayaa kashifay in Mbappe uu xagaaga ku biirayo Real Madrid.
Halka ambasadoorka kooxda ahna xiddigoodii hore Laure Boulleau uu Canal+ ka qiray in PSG ay ku guuldareysatay dagaalkii ay ugu jirtay inay ceshato Mbappe islamarkaana laacibka Faransiiska uu u wareegayo ugu danbeyn Los Blancos.
Laakiin Mbappe ma doonayo inuu xumaan uga tago PSG wuxuuna balan qarsoodi ah la galay milkiilaha kooxda Nasser Al Khelaifi. Mbappe ayaa cafin doona 80 milyan euro oo uu ka qaadan lahaa PSG, wuxuuna go’aankiisa si shaqsi ah ugu sheegi doonaa milkiilaha kooxda.
Lacagta uu cafinayo iyo inuu go’aankiisa si shaqsi ah ugu wargeliyo Al Khelaifi ayaa ah balan ay wada galeen labada nin haddii uu doonayo inuu baxo oo uu ku biiro Real Madrid.