Kyle Walker ayaa sameeyay doorasho la yaab leh markii wax laga weydiiyay ciyaaryahankii ugu adkaa ee uu ka horyimid waayihiisa ciyaareed
Mid ka mid ah daafacyadii ugu orodka badnaa abdi ciyaarta kubada cagta, kabtanka Manchester City ayaa xawaarihiisa u adeegsada hubka uu ku galo garoonka.
Walker wuxuu ka horyimid xiddigo badan oo waa weyn sida Kylian Mbappe, Raheem Sterling, Vinicius Jr iyo Marcus Rashford kuwaasoo iyagana ah ciyaarta xawaare sarre leh.
Si kastaba, daafaca Ingariiska ayaa ciyaaryahan intaasba ka duwan u magacaabay xiddigii ugu adkaa ee uu kubad ka difaacday waayihiisa ciyaareed.
Walker ayaa magacaabay xiddigii hore ee Arsenal iyo Man City Samir Nasri oo uu sheegay inuu dhibaatooyin badan u abuuri jiray marka uu garabka ka soo xaroodo oo kubada ay lugtiisa ku jirto.
“Waan jeclaan jiray inaan ka hor imaado Sterling” ayuu Walker u sheegay barnaamijka Rio Ferdinand ee FIVE.
“Waan jeclaan jiray. Ma ahan inaan xumshad darro u muujinayo, waan ogaa inuu ahaa xiddig aad u fiican, laakiin haddii aan isaga joojiyo, waan ogaa inay dadku ka mahdinayaan shaqada aan qabtay.
“Samir Nasri. Waan necbanaan jiray Nasri. Waxa caado u aheyd inuu boos qaadashada ku dhuunto. Haddi ciyaaryahan uu hal ka hal uga horyimaado waxba igama qaadyo, laakiin si caqliyaysan ayuu boos qaadasho u sameynayay iyadoo Gael Clichy uu u sii boos qaadanayo.
“Dhexdooda ayaan ku dhumi jiray. Durbadii uu booskeyga iga soo saaro, waxaan ahaa mid orodka gabayay.”