Kyle Walker ayaa shaaciyay sababta uu u doortay ku biirista AC Milan kadib markii uu amaah ugu wareegay kooxdaas kana tagay Manchester City.
Walker ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu ka tagay City habeenkii Jimcaha, iyadoo daafaca uu baraha bulshada fariin qiiro leh ugu diray kooxda, taageerayaasha, qoyskiisa iyo xaaskiisa, Annie Kilner.
Laacibka 34-jirka ah ayaa hadda bilaabi doona cutub cusub oo noloshiisa ah isaga iyo Kilner iyo afarta carruur ah ee ay isku dhaleen, kadib markii ay hagaajiyeen xiriirkooda oo qarka u saarnaa furiin.
Walker, oo la hadlayay warbaahinta Talyaaniga kadib markii uu saxiixay qandaraaskiisa, ayaa sidoo kale shaaciyay sababta uu Milan u doortay iyadoo kooxo kale xiiseynayeen.
“Tammy (Abraham) ayaa igu dhiirrigeliyay inaan kooxdaan ku biiro” ayuu yiri Walker. “Wuxuu iga caawiyay go’aanka aan qaatay.
“Taageerayaasha Milan waa cajiib,inaan maqlo sawaxaankooda waxey igu noqon doontaa mid dareen leh. Waxaan doortay lambarka 32 anigoo ku xushmeynaya David Beckham.”
Abraham ayaa Milan u ciyaarayay tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkan, isagoo amaah kaga yimid Roma.
Wuxuu England u saftay 11 kulan isagoo garoonka ku wehliya Walker, kulankiisii ugu dambeeyayna wuxuu ahaa 2022.
Abraham waa mid ka mid ah dhowr ciyaaryahan oo Ingiriis ah oo Milan ku sugan, oo ay ku jiraan Fikayo Tomori iyo Ruben Loftus-Cheek.