Suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo ayaa si rasmi ah u xirmay, iyadoo kooxo badan ay lacag badan geliyeen si ay u xoojiyaan safkooda.
Kooxaha ka dhisan Premier League ayaa si weyn u dhaqaaqay, iyagoo sameeyay saxiixyo muhiim ah si ay ugu tartamaan qeybta labaad ee xilli-ciyaareedka.
Kooxda heysata horyaalka Ingiriiska, Manchester City, ayaa noqotay kooxda ugu qarashka badan suuqa, iyagoo lasoo saxiixday ugu yaraan lix ciyaaryahan. Guardiola iyo kooxdiisa ayaa suuqa ku bixiyay £176.1 milyan, taasoo ka dhigtay kooxda ugu lacagta badan bisha Janaayo.
Wolverhampton Wanderers (Wolves) ayaa kaalinta labaad gashay, iyagoo suuqa ku bixiyay £42.6 milyan, taasoo ka dhigtay kooxda labaad ee ugu qarashka badan.
Brighton & Hove Albion ayaa kusoo xigta, iyagoo suuqa galiyay £40 milyan, halka Manchester United ay kaalinta afraad gashay, iyagoo ku qarash gareeyay suuqa £29.6 milyan.
Suuqa Janaayo ayaa markale noqday mid dhaqaale badan lagu bixiyay, iyadoo kooxaha waaweyn ay dadaal badan sameeyeen si ay u xoojiyaan safkooda kahor qeybta dambe ee xilli-ciyaareedka.