Khvicha Kvaratskhelia, oo si weyn loola xiriirinayo u dhaqaaqista Premier League, ayaa hore u shaaciyay kooxda uu ku riyoonayo inuu ka ciyaaro mustaqbalka.
Xagaagii 2022, Kvaratskhelia wuxuu ka tagay kooxda reer Georgia ee Dinamo Batumi,asagoo ku biiray kooxda Napoli ee Serie A, iyadoo heshiiska lagula wareegay uu qiimihiisu u dhaxeeyay €10 milyan ilaa €12 milyan.
Tan iyo markaas, 23-jirkan ayaa noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn kubadda cagta adduunka, isagoo dhaliyay 30 gool isla markaana caawiyay 29 kale 107 kulan oo uu u saftay.
Kooxo badan oo ka dhisan Yurub, oo ay ku jiraan Liverpool, Chelsea, Manchester United iyo Paris Saint Germain, ayaa la sheegay inay xiiseynayaan garabka Napoli.
Fiidnimadii Khamiista, warbixino ayaa sheegay in Liverpool ay tixgelin karto saxiixa Kvaratskhelia haddii uu go’aansado inuu ka tago Napoli inta lagu jiro suuqa kala iibsiga Janaayo.
Sida uu qoray David Ornstein oo ka tirsan The Athletic, “Liverpool waxay tixgelin kartaa inay la soo wareegto Khvicha Kvaratskhelia haddii uu ka tago Napoli bisha Janaayo. LFC si firfircoon uma raadinayaan garab cusub, balse waxay xiiseynayaan 23-jirkan, waxaana laga yaabaa inay u dhaqaaqaan haddii fursad suuqa ka timaado. PSG iyo Chelsea sidoo kale waa kooxaha xiiseynaya.”
Si kastaba, ka hor inta uusan ku biirin Napoli, Kvaratskhelia ayaa la sheegay inuu yiri:
“Riyadeyda ugu weyn waa inaan ku guuleysto Champions League.”
Markii la weydiiyay kooxda uu ku riyoonayo inuu kula guuleysto, xiddiga reer Georgia wuxuu ku jawaabay:
“Real Madrid. Tan iyo yaraantaydii waxaan taageere u ahaa Real Madrid. Aniga iyo walaalahay waxaan mar walba daawan jirnay ciyaarahooda.”
Sida uu sheegay khabiirka suuqa kala iibsiga, Fabrizio Romano, xiddigan ayaa sidoo kale 2023 ku yiri:
“Real Madrid waxay ahayd kooxda aan ugu jeclaa yaraantaydii. Hadda waxaan si buuxda diiradda u saarayaa Napoli. Waxaan sameynayaa wax walba si aan ugu caawiyo kooxda. Xitaa kama fikiraayo mustaqbalkeyga.”
Aabaha Kvaratskhelia, Badri Kvaratskhelia, ayaa hore u xaqiijiyay jacaylka wiilkiisa ee Real Madrid, isagoo yiri:
“Inuu Khvicha la ciyaaro Real Madrid waa arrin gaar ah. Wuxuu mar walba ku riyoon jiray inuu u ciyaaro, welina waan hubaa inuu ku riyoonayo inuu Real Madrid u ciyaaro.”