Tababaraha kooxda Inter Milan Simone Inzaghi ayaa lagu soo waramayaa in ay Manchester United u aragto badalka Erik ten Hag.
Mustaqbalka Ten Hag ee United ayaa caad fuulay ka dib guuldaradii 3-0 ee ka soo gaartay Tottenham axadii.
Inkastoo tababaraha reer Holland uu haatan sii hayo xilka, hadana waxaa jiray calaamado muujinaya in Sir Jim Ratcliffe uu qiimeyn doono xaalada inta lagu guda jiro fasaxa caalamiga ah dhamaadka bishaan.
Sida laga soo xigtay The Daily Star, Inzaghi, oo Inter maamula tan iyo 2021, waa mid ka mid ah xulashooyinka ay United u weecan karto haddii la ceyriyo Ten Hag.
Xilli ciyaareedkii hore Inzaghi waxa uu Inter ku hogaamiyay horyaalka Seria A, halka uu sidoo kale laba jeer kula guuleystay Coppa Italia, kooxdiisuna waxay gaartay finalka Champions League 2023kii, halkaasoo ay guuldaro kala kulantay Manchester City.
Waxa uu hore u soo maamulay Lazio, oo uu kula guuleystay Coppa Italia ololihii 2018-19.
Warbixinta ayaa soo jeedineysa in tababarihii hore ee England Gareth Southgate uu yahay dookh kale oo macquul ah oo ay United ku heli karto.
Southgate ayaa bilaa shaqo ah tan iyo markii uu ka tagay xulka England ka dib guuldaradii Spain ka soo gaartay finalkii Euro 2024.
Ten Hag ayaa saxiixay heshiis kordhin xagaagii isagoo lagu sharfay guushii United ee FA Cup-ka.
Si kastaba ha ahaatee, United ayaa sii waday qaab ciyareed la’aan waxayna haatan ku jirtaa kaalinta 13-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League iyagoo lixdii kulan ee ugu horeysay ka helay 7 dhibcood.
United waxaa ka bixi doontaa 17.5 milyan oo ginni si ay u raadiso tababare cusub ka dib qandaraas kordhintii ten Hag.
ANI WAXAN QABAH IN TEN HAG LAGA CAYRIYO SHAQADA MAN UNTED SABAB TO AH WU KU FASHILMAY SHAQADAS WAXANA AMIN SANAHAY INU KU HABON YAHAY MACALINKA INTER MILAN EE INZAGI HALKA ANA KAMID AHEN DADKA QABAH IN LO DHIBO MACALINKII HORE EE ENGLAND EE SOUTHAGATE