Barcelona ayaa sii ahaan doonta hogaanka horyaalka La Liga hal todobaad oo kale kadib guuldarradii kasoo gaartay Las Palmas.
Saddex kulan oo xiriir ah ayay guul la’aan tahay iyada oo 2-1 ay goordhaw ku qaarajisay Las Palmas kulankii ka dhacay Montjuïc Olympic Stadium.
Ciyaarta dabaal dagga sannad guurada 125-aad ee kooxda Barcelona ayay ceeb kala baxday garoonka.
Bulgarana ayaa mar kale ku martiqaaday kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid inay dib ugu soo laabtaan hogaanka horyaalka La Liga.
Fabio Silva, oo amaah ugu maqan kooxda Wolves, ayaa dhaliyay goolka guusha iyadoo Las Palmas difaacasho xoogan la timid qeybtiii labaad.
Real Madrid, oo labo kulan u harsan yahay ayaa dhibic kaliya hogaanka looga heyn doonaa hadii ay axada ka badiyaan kooxda Getafe.
Ka dib guuldaradii Real Sociedad iyo barbarihii Celta Vigo, Barcelona ayaa haatan lumin karta hogaanka hadii Real Madrid ay badiso labada kulan ee ay gacanta ku haysato.
Maxaa ka baranay kulanka?
Waxaan ka baranay ciyaaraha Barcelona ay ciyaartay bilaa Lamine Yamal in aysan ka muuqan kalsooni badan sidii kulankii galabta.
Ciyaaryahanka dhalinyarada ah ayaa qeybta labaad soo galay inkastoo uu dhaawac dareemayay, haddana Barcelona waxaa muuqaga in ay la,aantiis ciyaari karin.
Flick oo ah macalinka Barcelona waa inuu la yimaado falsad kooxda si wadajir ah kaga maarmi karto haddii uu ka maqnaado 17 jirkaan, maadaama kooxda hal ciyaaryahan kaliya aysan ku tiirsanan karin.