Guushii Manchester United ee FA Cup ayaa sababtay in Chelsea laga caydhiyo tartanka Europa League ee ay usoo gudubtay markii ay kaalinta lixaad kaga dhamaysatay horyaalka Premier League, waxaana loo riday oo dib loogu celiyey tartanka UEFA Conference League, halka Newcastle United gebi ahaanba laga saaray tartamada Yurub, inkasta oo ay kaalinta toddobaad ku dhamaysatay.
Sharciga UEFA iyo FA ayaa dhigaya in kooxda ku guuleysata FA Cup ay kasoo qayb-gasho tartanka Europa League haddii ay ku dhamaysato meel ka baxsan booska kaalinta toddobaad ee loogu soo gudbo tartanka UEFA Conference League.
Manchester United ayaa guusheedani waxa ay keentay in ay kasoo qayb-gasho tartanka Europa League ee xilli-ciyaareedka soo socda, taas oo guul weyn u ah Red Devils oo haddii aanay koobkan ku guuleysan lahayn ka maqnaan lahayd dhamaan tartamada Yurub.
Ingiriiska ayaa waxa Champions League uga soo qayb-gelaya afarta kooxood ee Manchester City, Arsenal, Liverpool iyo Aston Villa, halka Europa League ay iamanayaan Manchester United iyo Tottenham, iyadoo Chelsea u dhacday Eur
Halkan kaga bogo kooxaha Premier League ee ka qayb-gelaya tartamada Yurub
Champions League
Manchester City
Arsenal
Liverpool
Aston Villa
Europa League
Tottenham
Manchester United
Europa Conference League
Chelsea