Jude Bellingham iyo Real Madrid ayaa wadnaha farta ku haya iyadoo kiiskiisa uu Mason Greenwood ku aflagaadeeyay kuna tilmaamay “nin dumarka kufsada” loo gudbiyay xiriirka kubada cagta Spain.
Xiddiga khadka dhexe ee Ingariiska ayaa lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay Greenwood labo todobaad ka hor kulan dhexmaray Real Madrid iyo Getafe iyadoo cabasho rasmi ah loo gudbiyay maamulka La Liga.
Haatan maamulka horyaalka ayaa kiiskaan u gudbiyay xiriirka kubada cagta Spain taasoo muujineysa inuu yahay mid halis ah.
Waxaa haatan la magacaabayaa garsoore si buuxda u baara cabashada, kaasoo go’aan ka gaari doona labada isbuuc ee soo socota haddii Bellingham la ciqaabayo.
Haddii danbiga lagu helo islamarkaana dhacdadaan loo arko mid halis ah, Bellingham waxa uu wajahayaa ganaax afar kulan ah, laakiin haddii loo arko danbi weyn waxay ciqaabtiisa gaari kartaa ilaa 10 kulan sida ay qortay jariirada The Sun.
Labada kooxood ee Real Madrid iyo Getafe ayaa la siin doonaa ilaa 10 maalmood oo ay racfaan uga qaataan go’aanka garsooraha.
Real iyo Bellingham ayay la yaab ku noqotay in maamulka La Liga oo si dhow u daawaday muuqaalkii cadeyn ahaanta loo keenay inay go’aansadeen inay kiiska u gudbiyaan xiriirka kubada cagta Spain.
Getafe ayaa ku doodeysa in Bellingham uu ku tilmaamay Greenwood “qof dumarka kufsada” halka Real Madrid ay ku doodeyso in Bellingham uu yiri “qashin baad tahay.”
Madoow wakaas. Iyagaa rag isku ah. Waxa ay wargeysyada cadaanka ka maqlaana isku caaya
anigu tageero arsenal iyo realmadarida ahay hadii dulmiga kula kay Jude Bellingham meson greenwood mudo ciyaara ka maqana waan ku tageeraya ina la ganaxo ma jeceli in qofla dulmiiyo