Jamaahiirta England ayaa ku xoobmay nin u ekaa Gareth Southgate gudaha Germany ka hor inta aysan xulkooda la ciyaarin semi-finalka Euro 2024 xulka Netherlands.
Saddexda libaax ayaa xalay waxay dhegaha ka garaacday xulka Netherlands isla markaana waxay h gudbeen finalka Tartanka.
Diyaargarow balaaran ayaa ciyaarta ka hor ka socotay banaanka garoonka.
Mid ka mida askartii waddooyinka ilaalinayay ayeey mar keliya ku yaaceen Taageerayaasha, kadib markii ay arkeen nin u eg tababaraha England Gareth Southgate.
Taageerayaasha England ayaa isku gadaamay sarkaalka oo la arkayay isaga oo xidhan dirayska booliska isla markaana sita koofiyad cad isaga oo isha ku haya taageerayaasha.
Kooxo taageereyaal ah ayaa markaas soo bandhigay bandhiggay kuna luqeeynayay heesta caan baxday ee ‘Dhammaan Mar kale’,
kaas oo caan noqotay intii lagu guda jiray halgankii England ee semi-finalka Koobka Adduunka 2018.
Sarkaalka ayaa u muuqday mid ku raaxaysanayay kaftanka, isaga oo u muuqday in uu aad u jeclaa in uu iska caabiyo dhoola cadeynta marka ay heesayeen taageerayaasha ku hareeraysana.
Taageerayaasha ayaa heesta si joogto ah ugu heesi jiray sanadihii hore ee xukunka Southgate isagoo England gaarsiiyay semi-finalka Koobka Adduunka iyo finalka Koobka Qaramada Yurub.