Todobaadka koowaad ee tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ayaa si xowli ah uga socda Carrington, iyadoo Erik ten Hag uu isku diyaarinayo dagaalka xilli ciyaareedka cusub.
Koox ciyaartoy sare ah oo ay ka mid yihiin Andre Onana, Casemiro, Mason Mount iyo Marcus Rashford dhamaantood waxay ku soo noqdeen xerada Isniintii, iyagoo diyaar u ah inay shaqo adag ay galaan.
Jadon Sancho ayaa ku soo laabtay Arbacadii kooxda ka dib markii uu amaah ku joogay Borussia Dortmund qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore.
24 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa tababarkiisii ugu horeeyay la qaatay kooxda muddo laga joogo 10 billold.
Sancho iyo Erik Ten Hag ayaa si fool ka fool ah u kulmay iyagoo ka hashiiyay khilaafkoodii xagaagi hore isagoo imika diyaar u ah Sancho inuu la shaqeeyo Ten Hag.
Dhowr ciyaaryahan ayaa weli ku maqan Euro 2024 iyo Copa America , halka qaarkood ay fasax ku maqan yihiin.
Jonny Evans ayaa sidoo kale ku soo laabtay Carrington ka dib markii uu qalin ku duugay qandaraas hal sano ah.