Xiddiga Manchester United Jadon Sancho ayaa dib u la midoobaya tababaraha uu neceb yahay ee Erik ten Hag ka dib markii xiddiga garabka ka ciyaara uu iibsaday guri deris la ah midka tababarihiisa.
Sancho ayaa haatan amaah ku joogay Borussia Dortmund ka dib markii ciyaaryahanka ay isku dhaceen tababare Erik ten Hag horaantii xilli ciyaareedkan.
Haatan labada nin ayaa is arkaya mar kale ka dib markii Sancho uu iibsaday guri ku fadhiya 3.8 milyan ginni oo deris la ah guriga tababaraha Man United Erik ten Hag.
Guriga ayaa ka kooban shan qol oo jiif ah, wuxuu leeyahay barkad dabaal, qol shineemo iyo qolal kale oo madadaalo ah.
Ilo ku dhow ciyaaryahanka ayaa The Sun u sheegay: “Jadon iyo ten Hag sida iska cad dhib weyn ayay isku qabeen sannadkan, waxayna iska aaminsan yihiin fekrado xoogan.
“Ten Hag wuxuu ku adkeysanayaa in Sancho uu raaligelin bixiyo, halka Jadon uu isna aaminsan yahay inuusan sameynin wax uu raaligelin ka bixiyo, isagoo ku doodaya in si xun loola dhaqmay.
“Ma ahan kuwa wada shaqeyn kara, sidaasi darteed inay wadada isaga horyimaadaan waxay abuuri kartaa xaalad wajigabax ah.”