William Gallas ayaa rumaysan in haddii ay Arsenal heli lahayd xiddig ku dhibaatoonaya Chelsea, in ay si fudud ugu guuleysan lahayd horyaalka Premier League xilli-ciyaareedka dambe, inkasta oo ay haddana kaalinta labaad ku jiraan oo ay isku dheggan yihiin Liverpool iyo Manchester City.
Arsenal ayaa hoggaanka lumisay horraantii toddobaadkan markii ay barbarro goolal la’aan ah galeen Man City, waxaase ay wali haystaan fursad iyadoo siddeed ciyaarood ka hadhsan yihiind hamaadka xilli-ciaareedkan.
Halyeygii reer France ee William Gallas oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in haddii Arsenal ay hesho garabka weerarka Chelsea ee Mykhailo Mudryk in ay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League, kaas oo hore ay Blue ugu garaacday Arsenal oo tallaabooyin u jirta.
Mykhailo Mudryk ayaanse sidii la filayey u saldhigin Stamford Bridge, waxaana uu kaliya dhaliyey afar gool 37 ciyaarood oo Premier Leauge ah oo uu u saftay.
Gallas oo ka hadlayay laacibka reer Ukraine ayaa usoo jeediyey Mikel Arteta in xagaaga uu la saxeexdo Mykhailo Mudryk oo uu xusay inuu yahay garab bahal ah oo aan la joojin karaynin, waxaanu yidhi: “Anigu waxa aan ogahay in Emmanuel Petir uu ka hadlay suurtogalnimada Mykhailo Mudryk uu ku tegi karayo Arsenal xilli-ciyaareedka dambe, sababtoo ah Mikel Arteta ayaa jecel isaga.
“Wuu kusoo bixi lahaa Arsenal, waxa uu leeyahay xawaare dheereeya iyo tayo sarraysa, waana sababta uu Arteta u jecel yahay isaga ee uu u doonayey bilowgii ka hor intii aanay Chelsea la saxeexanin, Arsenal aad ayay ugu dhoweyd laakiin isaga ayaa go’aankiisa beddelay, mana illoobi kartid taas.
“Hore ayaan u sheegay in Arsenal ay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League xilli-ciyaareedka dambe oo aanay sannadkan qaadaynin, haddii ay Mudryk helaanna wuu caawin lahaa.”