Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa mar horeba bilowday inay urursato xiddigaha waaweyn ee dunida, waxaanay dib u dhisaysaa kooxdii horraantii 2000 ee ay ku urursanaayeen Zinedine Zidane, Luis Figo, David Beckham, Roberto Carlos, Raul Gonzalez, Michael Owen iyo Ronaldo Nazario.
Los Blancos ayaa waxa ay toddobaadyada soo socda ku dhawaaqi doontaa heshiiska xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo si xor ah ugaga soo wareegaya PSG oo uu Axaddii macasalaameeyey, kaas oo hadda shaacinta heshiiskiisa lala sugayo finalka Champions League.
Waxa ay Real Madrid hore u haysatay Jude Bellingham oo xagaagii ay kala soo wareegtay Borussia Dortmund, Vinicius Junior, Aurelien Tchouameni, Eduardo Camavinga, Fede Valverde, Rodrygo Goes iyo laacibka xagaaga imanaya ee Endrick.
Intaas oo kaliya kuma koobnaanayso Real Madrid, hase yeeshee Madaxweyne Florentino Perez ayaa qorsheeyey in uu kooxdiisa kusoo kordhiyo xiddig kale oo loo saadaalinayo inuu ku guuleysanayo abaal-marinta Ballon d’Or.
Wargeyska Marca ayaa qoray, in Real Madrid ay la saxeexan doonto xiddiga Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz inta aanu bilaabmin xilli-ciyaareedka 2024/25, isla markaana ay waqti horeba bilaabeen hawlgalkiisa, iyadoo laacibkan loo saadaalinayo inuu mustaqbalka dhow ku guuleysan doono abaal-marinta Ballon d’Or.
21 jirkan reer Germany oo 18 gool u dhaliyey 19 gool oo kalena caawiyey isla markaana doorweyn ka qaatay guulaha waaweyn ee kooxdiisa ee xilli-ciyaareedkan ayaa qandaraaskiisu uu ku egyahay sannadka 2027, waxaana Los Blancos ay doonaysaa in uu Santiago Bernabeu yimaaddo xagaaga dambe.
Los Blancos ayaa sidoo kale qarka u saaran saxeexa 16 jirka reer Argentine ee Franco Mastantuono oo u dheela River Plate, Alphonso Davies oo Bayern Munich u ciyaara iyo difaaca dhexe ee reer France ee Leny Yoro oo ka tirsan kooxda Lille.