Weeraryahanka reer Engalnd ee Ivan Toney ayaa magacaabay kooxda uu doonayo inuu u wareego xagaaga, iyadoo uu horena u shaaciyey qorshihiisa ah inuu doonayo inuu ka tago Brentford marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda.
Ivan Toney ayaa rajaynaya inuu dib ugu soo laabto xulka qaranka England ee ka qayb-gelaya tartanka Euro 2024, iyadoo lagu soo daray liiska xiddigaha dalkaas ee lagu dhawaaqay Khamiistii ee bishan March la ciyaari doona Brazil iyo Spain.
28 jirkan oo muddo lix bilood ah ka maqnaa garoomada xilli-ciyaareedkan, kaddib markii lagu riday siddeed bilood oo ganaax ah iyadoo lagu helay inuu sameeyey khamaar mamnuuc ka ah ciyaartoyda, ayaa waxa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo reer Yurub.
Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ah naadiga sida weyn loola xidhiidhinayo, sidoo kalena Manchester United iyo Chelsea ayaa ku jira naadiyada uu hungurigu kahayo, inkasta oo Blues ay u janjeedho dhinaca Victor Osimhem.
Si kastaba ha ahaatee, waraysi uu Ivan Toney siiyey warbaahinta Sky Sports ayuu ku sheegay inuu doonayo inuu u wareego kooxda reer Spain ee Real Madrid, waxaanu yidhi: “Haddii ay Brentford i iibinayso, waa inay iga sameeyaan lacag, waxa aan tegayaa Madrid iyaguna way helayaan lacagta.”