Markii Cristiano Ronaldo uu saftay kulankiisii ugu horeysay ee Euro 2004tii midkoodna ma dhalan Isbaanishka Lamine Yamal iyo Ingariiska Kobbie Mainoo.
Maalinta berito ah labada dhalinyaro ee xiisaha badan ayaa isaga hor imaan doona finalka Euro 2024 ee ka dhacaya magaalada Berlin.
Labaduba waxa ay dunida kubadda cagta iftiimiyeen iyagoo soo bandhigay bandhigyo qurux badan oo ay dalalkooda u soo bandhigeen.
Bilowgii tartanka Euro, 19-jirka khadka dhexe kuma jirin xulashada tababare Gareth Southgate.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu fure u noqon doonaa rajada England ee ah in markii ugu horeysay ay koobka qaadaan habeen dambe, isagoo noqday ninka ugu kalsooni baaska badan xulka.
Mainoo waxa uu haystaa saxsanaanta baaska khadka dhexe ee ugu fiican taariikhda Horyaalada Yurub, isagoo 96 boqolkiiba saxay baaskiisa.
Laakin hal sano ka hor Mainoo kama mid ahayn kooxdiisa Manchester United.
Waqtigaas, Mainoo-kii ugu caansanaa wuxuu ahaa walaalkii Jordan Mainoo, kaas oo ka soo muuqday barnaamijka dhabta ah ee ITV ee looga hadlaayay arrimaha Jacaylka.
Laakin xagaagi dhamaaday Mainoo ayaa magac yeeshay isagoo ku guuleystay FA Cup, isagoo gool cajiib ah ka dhaliyay kooxda ay xafiiltamaan United ee Liverpool, waxaana u yeeray Southgate.Ka dib kulankiisii ugu horeeyay ee England bishii March, tababare Southgate ayaa la dhacay qaab ciyaareedka wiilkan yar.
Mainoo Wuxuu ku dhashay Stockport, Manchester, April 2005, wuxuu u guuray xaafadda Cheadle Hulme ee magaalada.
Halkaas waxa uu ugu soo ciyaaray Cheadle iyo Gatley Junior Football Club markay da’diisu ahayd afar jir, ka hor inta aanay soo indha indheyn Man United iyo Man City markuu lix jir ahaa.
Ka hor inta uusan Lamine Yamal gool cajiib ah u dhalin Spain semi-finalkii, naadigiisa Barcelona ayaa da’yarkan dul dhigtay qiimo bilyan oo Yuuro ah.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa weli ahaa 16 jir markii uu France ka dhalinaayay goolkii cajiibka ahaa.
Waxaana uu imika jirsaday 17 sano.
Yamal ayaa isku diyaarinaya inuu ciyaaro finalka koobka qaramada Yurub ee habeen dambe ay la ciyaarayaan England.
kor u kac cajiib ah ayaa ku yimid da’da yarkan, kaas oo u qubeynayay isagoo caruur ah halyeeyga Argentina iyo Barcelona Lionel Messi.
Kooxda reer Spain ayaa kobcinaysay tayada Yamal in ka badan toban sano, waxaana uu u saftay kulankiisii ugu horreeyay ee kooxda isagoo jira 15 sano, sagaal bilood iyo 16 maalmood.
Yamal aad ayuu u da’yar yahay , wuxuu ku khasbanaaday inuu imtixaannada uu ku galo internetka inta lagu guda jiray Euro-ga.
Aabihiis Mounir Nasraoui waa 35 jir, wuxuuna seddex sano ka yar yahay Yamal saaxiibkii Isbaanishka Jesus Navas.
Maxaa kals heysta habeen dambe, Mainoo iyo Yamal.