Kulanka:Tottenham Vs Man United
Garoonka:Tottenham Hotspur Stadium
Wakhtiga:7.30PM Xilliga G.Afrika
Garsooraha:Bankes P.
Markii xilli-ciyaareedkan uu billowday, Tottenham Hotspur iyo Manchester United labaduba waxay ka mid ahaayeen kooxaha loo saadaalinayay hanashada horyaalka Premier League.
Tababaraha Spurs, Ange Postecoglou, ayaa horey ugu faanay inuu mar walba wax ku guuleysto xilli-ciyaareedkiisa labaad.
Xilli-ciyaareedkiisii ugu horreeyay, Postecoglou wuxuu Spurs ku hoggaamiyay bilow cajiib ah, inkastoo ay dib u dhaceen dhamaadkii xilli-ciyaareedka. Wuxuu u malaynayay inuu casharro ka bartay si uu mar kale u horumariyo kooxda.
Laakiin xilli-ciyaareedkan arrimuhu waxay u muuqdaan kuwo ka sii xun.
Kahor kulanka ay Man United ku soo booqanayso Axaddan, Tottenham waxay ku jirtaa kaalinta 15-aad, iyadoo 10 dhibcood u jirta booska ugu dambeeya ee kooxaha la baroor-diiqo (relegation).
Kooxda ay la ciyaarayaan xaalad ka fiican kuma sugna.
United waxay xilli-ciyaareedka ku billowdeen iyagoo ku guuleystay koobka FA Cup-ka haysta, kaddib markii ay 2-1 uga adkaadeen Manchester City finalkii Wembley. Natiijadaas waxay sababtay in milkiilayaashu fursad kale siiyaan Erik ten Hag.
Si kastaba ha ahaatee, macallinka Dutch-ka ah waxaa xilka laga qaaday intii lagu jiray fasaxii xulalka bishii November, waxaana lagu beddelay Ruben Amorim.
Laakiin xaaladda United isma beddelin, waxaana hadda lagu qiyaasayaa inay ku jiraan kaalinta 14-aad, kaddib guushii Everton ay ka gaartay Crystal Palace.
United waxay u muuqataa inay xilli-ciyaareedkan gaari doonto natiijadii ugu xumayd tan iyo 1990, halka Tottenham ay guuldarro la kulantay kala bar kulamadii horyaalka – markii ugu horreysay ee sidaas ku dhacdo waxey aheyd tan iyo markii ay markoodii ugu dambeysay ka haraan horyaalka 1977, taasoo keentay cabsida ah in taariikhdu soo laaban karto.
Kahor imaanshahooda England, Postecoglou iyo Amorim waxay guulo waaweyn ka gaareen Celtic iyo Sporting, laakiin Premier League uma muuqdo mid u fudud.
Spurs waxaa sanadkan si weyn u saameeyay dhaawacyo, halka United ay weli la qabsan la’dahay nidaamka 3-4-3 ee uu jecel yahay Amorim.
Kani waa kulan ay labada tababare doonayaan iney ka fogaadaan wax guuldarro ah.
Kulankani wuxuu si weyn uga tarjumayaa sidii uu xilli-ciyaareedkooda ku dambeyn doono.