Booliska waddanka Faransiiska ayaa weerar kuq aaday wasaaradda maaliyadda waddankaas maalintii Isniinta, si ay baadhitaanno ugu sameeyaan heshiiskii ay PSG sannadkii 2017 kula soo wareegtay xiddiga reer Brazil ee Neymar.
PSG ayaa waxa ay Neymar kasoo bixisay £198 milyan oo Gini oo ay u shubtay Barcelona, waana ciyaartoyga ugu qaalisan illaa hadda, isagoo waqtigaas u saxeexay heshiis lix sannadood iyo badh ahaa.
31 jirkan oo xagaagii ka tegay PSG una wareegay horyaalka waddanka Sucuudiga, ayaa waxa hadda ku socda baadhitaanno ay wadaan booliska Faransiisku, laakiin kalidii ma aha, waxaana sidoo kale ay baadhitaannadu ku socdaan PSG oo gambadh gaaban loogu fadhiyo.
Telefishanka Faransiiska ah ee Mediapart, ayaa sheegay in Wasaaradda maaliyadda dalkaas ay weerareen booliska la-dagaallanka musuqmaasuqa oo ay baadhitaanno ku sameeyeen, waxaana laga shakisan yahay in canshuurtii laga rabay aanay bixinin PSG markii ay heshiiska rikoodh jabiska ah kula soo wareegtay Neymar.
Weerarkan ayaa yimid iyadoo wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska oo lagu magacaabo Gerald Darmanin uu sheegay in isaga iyo gacan yarihiisa Jerome Fournel iyo Madaxweyne ku-xigeenka Golaha Qaranka Hugues Renso ay ka caawiyeen PSG in ay hesho goldaloolooyin ay ka baxdo oo ka khafiifiya bixinta cashuuraha suuqa.
Fournet oo 56 jir ah ayaa lagu eedeeyey in uu keenay fikradda ah in PSG ay la baxsato canshuurihii laga doonayay, waxaanay isaga iyo Darmanin iyo Rento la xidhiidheen agaasimaha guud ee PSG ee Jean-Claude Blanck iyo agaasimihii hore ee xidhiidhka dadweynaha Jean-Martial Ribes.
Dhamaantood ayaa waxa hadda ku socda baadhitaanno ay ku samaynayaan ciidamadu, waxaana loo haystaa dembiyo ah inay ka caawiyeen kooxdan inay la baxsato canshuuraha, halka kooxduna ay ku eedaysan tahay in aanay bixinin canshuurtii ku waajibtay.
Wasiirka Waxbarashada iyo da’yarta qaranka Faransiiska oo lagu magacaabo Amedlie Oudea-Castera ayaa dhowaan sheegtay, in aanay wax sharci-darro ah dhicin.
Wasiir Darmanin oo Isniintii la hadlay warbaahinta ayaa yidhi: “Anigu waxa aan ku faraxsanahay in ciyaartoyda kubadda cagta ama kuwa rugby-du ay yimaaddaan dhulkayaga oo ay canshuuro badan bixiyaan, dakhli badanna dalka soo geliyaan.
“Haddii aanu Neymar iman lahayn, ma jireen canshuur la bixiyo, lama iibsadeen garamada kooxda ee uu magaciisu ku qoran yahay, magacanna ma aynaan lahaanneen.”
Neymar Jr. ayaa PSG u saftay 173 ciyaarood oo uu u dhaliyy 118 gool iyo 77 kale oo uu caawiye ka noqday.
Si kastaba ha ahaatee, Al-Hilal ayaa xagaagii waxa ay Neymar ku iibsatay £77.6 milyan oo Gini oo ay u shubtay PSG, laakiin laacibkan ayaa shan kulan oo kaliya markii uu u saftay waxa bishii October soo gaadhay dhaawac culus oo jilibka ah oo uu xilli-ciyaareedkan oo dhan u jiifayo.