Harry Kane oo jebiyey rikoodhkii Erling Haaland kadib saddexleydiisii ugu dambaysay ee Bayern Munich.
Harry Kane ayaa markale saddexley u dhaliyey Bayern Munich kulankii ay ka adkaadeen Augsburg, taas oo ka dhigtay inuu noqdo ciyaaryahanka ugu dhaqsaha badan ee gaara 50 gool taariikhda horyaalka Bundesliga.
Kane ayaa jabiyay rikoodhkii hore ee Erling Haaland, isagoo noqday xiddiga ugu dhakhsaha badan ee dhaliya 50 gool horyaalka Bundesliga. Weeraryahanka reer England ayaa saddexley ka dhaliyey guushii 3-0 ee Bayern Munich ka gaadhay Augsburg Jimcihii – taas oo ka dhigaysa saddexleydiisii todobaad tan iyo markii uu ku biiray kooxda xilli ciyaareedkii hore.
Kane ayaa 50 gool ku dhaliyey kaliya 43 kulan oo Bundesliga ah, taas oo ka dhigan inuu rikoodhkaas ku jabiyay todobo kulan oo ka yar intii Haaland ku gaadhay markuu u ciyaarayay Borussia Dortmund. Haaland ayaa markiiba sameeyay saameyn weyn markii uu ku soo biiray Dortmund bishii Janaayo 2020.
Waqtiga xaadirka ah, Kane wuxuu leeyahay 61 gool 61 kulan oo uu u saftay Bayern tartamada oo dhan, isagoo doonaya inuu soo afjaro abaartiisii koob la’aanta.
Bavarians ayaa si fiican ku bilowday xilli ciyaareedkan, guushii ugu dambaysayna waxay ka caawisay inay 8 dhibcood oo nadiif ah ku qabtaan hoggaanka horyaalka, iyagoo ciyaaray ka hor inta aysan kooxda kale ee tartanka kula jirta dheelin.