Tababaraha cusub ee Barcelona ee Hansi Flick ayaa doonaya inuu la saxeexdo xiddig ka tirsan kooxdiisii hore ee Bayern Munich oo uu ka dhigan doono saxeexiisa koowaad ee suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan.
Hansi Flick oo toddobaadkan loo magacaabay inuu noqdo tababaraha Barcelona oo uu ka beddelayo Xavi Hernandez oo shaqada laga caydhinayo, ayaa waxa uu doonayaa inuu dibu-dhis ku sameeyo kooxda isaga oo aan lacag badan kharash garaynin.
Sida uu ku warramayo wariyaha ciyaaraha ee Ferran Correa, tababare Flick ayaa waxa uu u sheegay madaxda Barcelona ee Joan Laporta iyo Deco in uu doonayo in ay kooxdu la saxeexato khadka dhexe ee Bayern Munich iyo xulka qaranka Germany ee Joshua Kimmich oo uu sannad ka hadhsan yahay qandaraaskiisa.
Kimmich oo 43 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah u saftay kooxdaas xilli-ciyaareedkan dhamaaday oo dhaliyey laba gool, toban kalena caawiyey ayay hadal-hayn ka taagan tahay mustaqbalkiisa waxaana ay wararku sheegayaan inuu ku riixayo in kooxdiisu ay iibiso si aanu qaab xor ah ugaga tegin sannad kaddib.
Hansi flick ayaa laba jeer tababare usoo noqday Joshua Kimmich, waxaanay markii hore ahayd Bayern Munich oo ay koobab badan ku wada qaadeen sannadkii 2020, halka markii dambena uu tababare ugu noqday xulka qaranka Germany.