Tababaraha reer Germany ee Hansi Flick ee ay Barcelona magacaabayso ayaa waxa uu doonayaa inuu beddelo qaab ciyaareedka kooxdan reer Catalonia, waxaana uu ka rari doonaa oo uu burburin doonaa kubbad isku-dhiibkii iyo haysigii badnaa ee ‘Tiki-taka’, waxaana uu qaab-ciyaareedka kaga dayan doonaa tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti.
Hansi Flick oo ay da’diisu tahay 59 jir oo sumcad badan ku yeeshay kubadda cagta waqtigii uu tababaraha u ahaa Bayern Munich oo uu koobab badan u qaaday, isla markaana sannadkii 2020 uu usoo wada hooyey Champions League, Bundesliga iyo German Cup, ayaa waxa la sheegay inay Barcelona heshiis kula gaadhay magaalada London oo uu ku sugan yahay.
Wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay, in Hansi Flick uu u caddeeyey Deco iyo Joan Laporta in aanu kusii dhegsanaan doonin falsafadda ciyaareed ee Tiki-taka ee ay caanka ku tahay Barcelona, isla markaana uu u guuri doono qaab kale oo uu rumaysan yahay in guulo ay ku gaadhi karayso kooxdu.
Hansi Flick ayaa intaa ku daray, in Hansi Flick uu rumaysan yahay in kubbadda oo la hayo aanay muhiim ahayn balse muhiimaddu ay tahay in kooxdu ay hesho qaaciido ay guulo ku gaadhi karto, sida Carlo Ancelotti uu ku maamulo Real Madrid oo kale.
The arrival of Flick will mean a radical change compared to the way Xavi works. The tactical aspect will not be as important as it has been to date, giving way to a formula more similar to the one used by Carlo Ancelotti at Real Madrid.
Hansi Flick ayaa waxa uu ciyaartoyda u ogolaadaa inay isku dayaan inay go’aamada iskood u gaadhaan marka ay garoonka ku jiraan isla markaana aanay noqonnin kuwo ku dheggen qaaciido loo jeexay oo ah inay kubadda u dhiibaan ciyaartoyda kale, sida uu Xavi Hernandez hadda ku amro ciyaartoydiisa.
Waxa arrintan oo kale toddobaadkan horraantiisii ka hadlay weeraryahanka Barcelona ee Robert Lewandowski oo saxaafadda horteeda ka sheegay in muhiimaddu ay tahay in guul la gaadho halkii lagu dedaali lahaa in kubbad qurux badan la dheelo, waxaana uu tusaale ka dhigtay Real Madrid oo uu sheegay inay ku dhibaatooto garoonka marar badan haddana ay guulo keenaan.