Xiddig katirsan Liverpool oo si adag loo dhaleeceeyay kaddib bandhig ‘liita’ kulankii musiibada FA Cup ee ka dhanka ahaa Plymouth.
Federico Chiesa ayaa si gaar ah loo tilmaamay kaddib bandhiggiisii ‘liitay’ kadib markii ay Liverpool si lama filaan ah uga hartay FA Cup kaddib guuldarro 1-0 ah oo ay kala kulmeen Plymouth Argyle.
Xilli ay haddana bilaabatay hadal haynta afarleyda (quadruple), Reds ayaa waji gabax kala kulantay kooxda ugu hooseysa Championship-ka oo si geesinimo leh uga adkaatay hoggaamiyeyaasha Premier League.
Arne Slot ayaa lagu ciqaabay go’aankiisii ahaa inuu garoonka ku soo billaabo koox daciif ah, iyadoo xiddigaha waaweyn sida Alisson Becker, Andy Robertson, Virgil van Dijk iyo Mohamed Salah la siiyay fasax. Trent Alexander-Arnold ayaa seegay kulanka dhaawac darteed, halka Joe Gomez uu dhaawacmay 10-kii daqiiqo ee ugu horreeyay.
Si kastaba ha ahaatee, Slot wuxuu haystay weerar xooggan oo ka kooban Diogo Jota, Luis Diaz iyo Chiesa, iyadoo Darwin Nunez uu beddel ku soo galay.
Iyadoo ku jirta barnaamijka falanqeynta ITV oo ay wehliso halyeeyga Liverpool Robbie Fowler, xiddigii hore ee xulka England Karen Carney ayaa si adag u dhaleeceysay bandhigga xiddiga Talyaaniga, iyadoo sheegtay inuu weli aad uga hooseeyo heerkiisii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkiisa koowaad ee Anfield.
‘Chiesa, si daacad ah, waxaan u malaynayaa inuu aad u liitay,’ ayay tiri Carney.
‘Dhamaan taageerayaasha Liverpool, kaddib dhaawacyadiisii, waxay u maleynayaan inuu fiicnaan doono, laakiin maanta wuxuu ahaa mid aad u hooseeya – ma ahayn mid ku filan hanka kooxda.’