Jose Mourinho ayaa ku tilmaamay Nico Williams inuu yahay ciyaaryahan “cajiib ah” oo “fantastik ah,” isagoo rajeynaya inuu ku biiro Real Madrid halkii uu uga wareegi lahaa kooxaha Arsenal iyo Chelsea.
Williams, oo 22 jir ah, ayaa soo jiitay xiisaha kooxaha ugu waaweyn Yurub kadib markii uu si weyn u iftiimiyay xagaagii hore intii lagu guda jiray guushii xulka Spain ee tartanka European Championship. Inkastoo uu weli uusan dhalin tiro goolal la yaab leh asagoo matalaya Athletic Bilbao –waxa uu u dhaliyay 22 gool 142 kulan – haddana wuxuu muujiyay awooddiisa aadka u weyn inta lagu guda jiray tartanka Euros.
Arsenal iyo Chelsea ayaa si weyn loola xiriiriyay inay u dhaqaaqaan Williams dhammaadkii suuqa kala iibsiga xagaaga, waxaana la filayaa inay dib u soo ceshadaan xiisahooda xiddigan oo loo arko mid ka mid ah da’yarta ugu hibada badan Yurub.
Si kastaba ha ahaatee, Mourinho – oo saddex sano ku qaatay Real Madrid – wuxuu rajeynayaa in kooxdiisii hore ay ku guuleysato saxiixa Williams.
Xiddiga reer Spain ayaa sidoo kale lala xiriiriyay Barcelona xagaagii hore kahor inta uusan go’aansan inuu joogo Bilbao.
Isagoo la hadlayay warbaahinta kahor kulanka Fenerbahce iyo Athletic Bilbao ee Europa League, Mourinho ayaa yiri:
“Nico waa ciyaaryahan cajiib ah. Euros-kii ugu dambeeyay, qof walba wuxuu ka hadlayay Yamal, Yamal, Yamal… oo isna ah ciyaaryahan fantastik ah oo da’yar.
Laakiin shaqsiyan, waxaan doorbidaa Nico; waa kubbad sameeye fantastik ah. Lama malayn karo in koox Turki ah ay heli karto; waxaan rajaynayaa inuu ku biiro Real Madrid.”
Mourinho ayaa Real Madrid ku hoggaamiyay horyaalka La Liga sanadkii 2012 isagoo gaaray 32 guul 38 kulan oo horyaalka ah, Los Blancos ayaana xilligaas urursatay 100 dhibcood oo taariikhi ah.