Muuqaal laga duubay Guardiola oo la hadlaya xiddig Tottenham ah ka dib guushii ay Manchester City gaartay ayaa si weyn loo hadal hayaa.
Man City ayaa talaabo weyn u qaaday hanashada horyaalka Premier League markii afaraad oo isku xigta iyagoo 2-0 ku garaacay xalay kooxda Tottenham.
City ayaa ku guuldareysatay inay shabaqa soo taabato shantii kulan ee ugu danbeysay ee ay booqdaan garoonka Tottenham laakiin Erling Haaland ayaa xalay labo gool u dhaliyay kooxda Pep Guardiola.
City waxay haatan labo dhibcood ka sareysaa kooxda Arsenal taasoo la micno ah in guul ay ka gaaraan West Ham kulankooda ugu danbeeya xilli ciyaareedka inay ku xaqiijisan doonaan hanashada horyaalka.
Tababaraha Man City Pep Guardiola oo neef weyn ay ka soo fuqday markii ay kooxdiisa badisay ayaa ciyaarta ka dib waxaa la arkayay isagoo la hadlaya daafaca Tottenham Cristian Romero.
Xiddiga reer Argentina ayaa waxay isku dhaceen goolhayaha City Ederson qeybtii labaad ee ciyaarta, taasoo keentay in goolhayaha reer Brazil la bedelo.
Markii ay ciyaarta soo dhamaatay Guardiola ayaa kala hadlay Romero dhacdadaas, isagoo u sharaxayay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna riixay xabadka iyadoo daafaca uu qosol ku jawaab celiyay.
Wadahadalkooda ayaa u muuqday mid niyadsami ah, laakiin waxay cabsi ku abuurtay taageerayaasha Tottenham oo u qaatay in tababaraha City uu doonayo inuu Romero ku qalqaaliyo inuu u wareego Etihad Stadium.
Muuqaalka labada nin iyo hadalkooda ayaana si weyn loogu wadaagayaa baraha bulshada.