Horyaallada Yurub ayaa qaarkood lasoo gabogabeeyey toddobaadkan, iyadoo kuwa hadhayna ay soo xidhmi doonaan usbuuca soo socda, waxaana hadda ay kooxuhu bilaabanayaan inay ku dagaallamaan saxeexyada iyo ciyaartoyda ay isku xoojinayaan.
Premier League oo ay ku guuleysatay Manchester City, Bundesliga oo ay Bayer Leverkusen qaadday iyadoon mar kaliya laga badinin iyo Ligue 1 ayaa soo xidhmay toddobaadkan, waxaana la sugayaa in LaLiga oo ay mar hore qaadday Real Madrid iyo Serie A oo ay ku guuleysatay Inter Milan ay iyaguna Axadda toddobaadka dambe soo xidhmaan.
Waxa intaas kaddib ay kooxuhu u xidhxidhan doonaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen ciyaartoyda ay doonayaan iyo naadiyada qaarkood oo iska beddeli doona tababareyaasha oo macallimiin cusub magacaabi doona.
Sannadkan waxa la ciyaarayaa tartamada qaramada Yurub ee Euro 2024 iyo Latin America ee Copa America, waxaanay kuwaasi cidhiidhi ku keenayaan suuqa iibka ciyaartoyda, inkasta oo ay kooxuhu shaqadooda qabsanayaan iyaga oo tartamadaasi socda.
Gooram ayuu furmayaa suuqa iibka ciyaartoyda?
Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxa uu suuqu furmayaa 14ka June waxaana uu socon doonaa illaa laga gaadhayo 30 August 2024.
Afarta horyaal ee kale ee LaLiga, Serie A, Bundesliga iyo Ligue 1 wali lama shaacinin waqtiga uu furmayo suuqa iibka ciyaartoydu, laakiin waxa la ogyahay in uu xidhmi doono 30 August 2024, waxaanay kala horreyn doonaan saacado koobab.