Maamulaha Fenerbahce, José Mourinho, ayaa magacaabay saddex tababare oo ay Real Madrid ka fikiri karto marka ay noqto in ay shaqada ka ceyriso Carlo Ancelotti.
Ancelotti ayaa cadaadis la kulmay todobaadyadii ugu dambeeyay, iyadoo Los Blancos ay ku dhibtooneysay LaLiga iyo Champions League ololahaan.
Mourinho, oo tababare u ahaa Madrid intii u dhaxeysay 2010 iyo 2013, ma uusan meesha ka saarin suurtagalnimada ku laabashadiisa Santiago Bernabeu.
Had iyo jeer waxaan noqon doonaa taageere weyn oo Real Madrid ah. Waxay haystaan tababaraha ugu fiican adduunka, saaxiibkay Carlo Ancelotti. si fiican ayuu u shaqaynayaa waqtigaan,” Mourinho ayaa yiri.
“Mustaqbalku waxa uu ku xiran yahay waxa uu madaxweynaha kooxda Florentino Perez doonayo, haddii uu doonayo tababare da’yar sida Xabi Alonso ama uu sii heysanayo Carlo, oo ah tababare khibrad leh waa wax isaga go’aan uu ka gaarayo.
Madrid waxa ay haysataa macalimiin dhalinyaro ah sida Raul ama Tababaraha kooxda dhalinyarada Alvaro Arbeloa waa shaqsiyaad shaqada kooxda koowaad kasoo bixi kara “ayuu yiri Mourinho.
MarkIi la weydiiyay inuu doorto shaqsiyaadka bedeli kara tababaraha haatan wuxuu si fudud u yiri waa saddex shaqsi oo kala ah Xabi Alonso, Raul iyo Alvaro Arbeloa.